Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada taageersan Guddoomye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa shaaciyey inuu jiro fadhigii Baarlamaanka, sida lagu sheegay farriin loo kala diray xildhibaannada.
Sida lagu sheegay farriinta xogheynta Baarlamaanka u dirtay xildhibannada waxaa lagu yiri: “Mudane Xildhibane, malinta arbacada Tr.4/4/2018 Saacadda: 09:00 Subaxnimo waxaa jira kulanka Guud ee Golaha Shacabka. Ajendaha: Arinta xaduudka Soomaaliya iyo Kenya ee Beled Xaawo Faahfaa..”.
Arritan ayaa ka danbeysay farriin uu isla galabta xildhibaanadda u diray Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey oo loogu sheegay dhammaan Xubnaha Golaha Shacabka in Maalinta berri oo Arbacada ku beegantahay Tr. 04/04/2018 Saacadda: 09:00 Subaxnimo la qaban doono Kulanka Guud ee Golaha shacabka
Ajendaha: Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Shirka Baarlamaanka ee Berri ayaan waxba uga duwaneyn kulankii Sabtida qorsheysnaa waxaana hadda xaaladu ku soo ururray in lagu kala baxo xarunta Baarlamaanka iyadoo laga guddoon, laba ajende iyo Garab baarlamaan loo kala qeybsan yahay.