Monday, June 23, 2025

Xildhibaannada taageersan Ra’iisal wasaare oo go’aano muhiim ah guddoonsaday

Shirar kala gaara oo si is daba joog ah uga socday magaalada Muqdisho xildhibaannada taageersan Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Maxamed ayaa lagu guddoonsaday go’aano lagui taageerayo ra’iisal wasaaraha haddiiba ay dhacdo in mooshin laga keeno xukuumadda sida ay wadaan taageerayaasha madaxweynaha.

Kulamadan oo dhex maray xildhibaanada beelaha, Hawiye, Dir, Daarood iyo Digil & Mirifle ayaa xubno badan oo ka mida xildhibaanada beelahaasi si weyn uga horjeedaan madaxweynaha iyagoo isla qaatay in la maja xaabiyo mooshinka madaxweynuhu ka danbeeyo ee ka socda magaalada Muqdisho, waxayna sameeyeen guddiyo xiriiriya xildhibaanada taageersan xukuumadda si ay u fashiliyaan mooshinka.

Kulamada ayaa weli socda iyadoo xildhibaanada beesha shanaad oo ay hogaamineyso wasiirada haweenka ay iyaguna si buuxda u taageereen Ra’iisal wasaaraha.

Dhinaca kale dhinaca madaxweynaha ayaa sii xoojiyay dadaalka ay  ugu jiraan inay jilbaha u dhigayaan xukuumadda, waxaana hakad ku jira shirarkii xukuumada iyadoo uu sii socdo shirkii Baydhaba ee maamul u sameynta Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana la filayaa inay bilaabaan mooshinkooda.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON