Tuesday, June 24, 2025

Xildhibaannada Xilka sii-haya oo Degdeg u meel marinaya Miisaaniyadda Dowladda ee 2021

Xildhibananada Baarlamaanka Federaalka ee xilka sii haya ayaa degdeg u ansixinaya Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya ee sanadka 2021.

Miisaaniyadda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta loo balansan yahay inay xildhibananada xilka sii-haya u codeeyaan, iyadoo aan dood badan laga yeelan, taasoo ay ugu wacan tahay in xilliga uu yaraa si looga badbaado in dalku galo xaalad aan wax kharash ah la qaadi karin marka uu bilowdo sanadka 2021 oo 2 maalin naga xigto.

Qaar ka mida xildhibaannada oo shalay ka hadlay kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay inay la iska ansixiyo Miisaaniyadda, maadaama aan jirin waqti, haddii dood la galana ay waqti dheer qaadan doonto.

Dowladda Madaxweyne Farmajo ayaa dhibaato weyn ku qabtay inay xisaabxir sameyso miisaaniyadii ay dalka ugu timid sanadkii 2017 iyo wixii ka dambeeyay 2020, waxaana laba sano kadib la ansixiyey iyadoo qeylo dhaan daba socoto Miisaaniyadii ugu horeysay ee 2017.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON