Xaalad jahawareer iyo buuq ah ayaa ka taagan Xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanka Federaalka, kadib markii qalalaase ka dhaliyeen xildhibaannadii lagu soo xulay magaalada Garbahaarey.
Kulanka Baarlamaanka oo ah kii ugu horeeyay tan iyo intii la doortay Guddoonka cusub ayaa maanta lagu waday inuu ka furmo xarunta Villa Hargeysa, waxaana ajendaha looga hadlayo ka mida khudbad jeedinta guddoomiyaha cusu iyo guddoomiyihii KMG ahaa oo xilka Wareejinaya.
Xildhibaannada ka yimid Garbahaarey oo taageero ka helaya ayaa la sheegay inay xarunta Villa Hargeysa galeen, waxayna halkaasi ka wadaan buuq ah inay yihiin xildhibaanno sax ah oo aanay cidna ka saari karin fadhiga Baarlamaanka.
Wararka ayaa sheegaya in gelitaan xubnahan ee xarunta Villa Hargeysa ay fududeysay Madaxtooyada Soomaaliya oo u sameysay kaarar u gaara xilli aysan heysan Aqoonsiga Guddiga FEIT.
Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka ayaa wajahaya khilaafka xildhibaannada lagu kala doortay Ceelwaaq iyo Garahaarey, iyadoo ay khilaafkan muddo 2 sano ah uu soo waday madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
