Xildhibaannadii la baxay Kutlada “Horusocod” ayaa dib u soo noolaaday kadib in muddo dheer aasaaskoodii kadib ay la kulmeen cambaareyn iyo diidmo ay kala hor yimaadeen shacabka.
Xildhibannadan ayaa Baaq ka soo saaray xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalka, waxayna tallooyin u jeediyeen madaxda dowladda Federaalka, iyagoo madaxeyne Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu kulan isugu yeero Madaxda dowlad Goboleedyada, si wadahadal looga arrimaha ay ka cabanayaan.
Guddoomiyaha Kutladan la baxay Horeusocod C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa ka mid ahaa xildhibaanno tegay magaalada Kismaayo oo kasoo jeeday dhinaca Axmed Madoobe, isagoo qeyb ka ahaa xubnaha maamulka Jubba ee u qaabilsamaa soo dhoweynta madaxda maamul Goboleedyada.
HOOS KA AKHRISO BAAQA