Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ay wadaan Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Cismaan Barre Maxamed.
Mooshinka ayaa Gudoomiyaha ku eedeynaya xil gudasho la’aan iyo waqtigiisa ugu badan ku qaado magaalada Muqdisho, isagoo xiray Baarlamaankii oo aan wax kulan ah qaban in muddo ah, iyadoo dib u dhacyo badan ku yimaadeen kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Hirshabelle.
Xildhibaanno ku dhow 40 ayaa waada abaabulka Mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo hadda ku sugan magaalada Muqidsho, waxayna tani noqoneysaa xiisad kale oo ka dhalatay maamulka Hirshabeelle.