Thursday, June 26, 2025

Xildhibaanno Cadadaado ku shiray oo shaaciyay inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Qaar ka mida Xildhibaanada baarlamaanka  Galmudug ayaa caawa shaaciyay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Cali Gacal Casir.

Xildhibaanadan oo ah qaar taabacsan Axmed Ducaale Xaaf oo isna xildhibaanno kale ay xilka ka qaadeen dhowaan ayaa ku dhawaaqay arrintan markii ay caawa ku shireen madaxtooyada magaalada Cadaado.

Xildhibaannadan ayaa sheegay inay tiradoodu gaareysay 52 Xildhibaan ayaa sheegay  oo kalsoonidii kala  laabtay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Kulanka xilka looga qaaday Cali Gacal Casir waxaa shir gudoominaayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo isna maanta la shaaciyay in xilka laga qaaday.

Xaaladda Cadaado ayaa ka sii dareysa iyadoo ay fashilantay waanwaan ay wadeen xildhibaanno ka tirsan labada aqal oo lagu eedeeyay inay hal dhinac la jireen, waxaana muuqata in arrintu u socoto meel aan wax ka qabasho lahayn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON