Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanno cusub ay ku biireen mudanayaasha Barlamaanka ee wada Mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaannada cusub ayaa ka kala yimid qaar aan hore go’aan u gaarin, xildhibaanno dibadda ku maqnaa oo loo yeeray iyo qaar balanqaadyo dhaqaale loo sameeyay, iyadoo taageerayaasha xukuumadda ay hadda ku doodayaan inay rajo fiican ka qabaan inay helaan tiro ku filan xil ka qaadista Jawaari.
Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo kooxda wada ololaha mooshinka Guddoomiye Jawaari ayaa sheegaya inay qorsheynayaan furitaanka mooshinka oo lagu beegayo maalmaha Sabtida ee soo socda ama Axadda, iyadoo waqti ay qaadan doonto dooda xildhibaannada.
Tirada dhabta ah ee ay heystaan kooxda u ololeyneysa mooshinka Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inay gaareyso ku dhowaad 120 xildhibaan, waxaana xildhibaannada taageersan ay shirarkooda taga ay gaareen 148 xildhibaan, halka ay iyagu ku doodayaan inay dhan yihiin 197, taasoo ay mid xaqiiqada ka fog xisaab ahaan.