Wednesday, June 25, 2025

XIldhibaanno dalbaday inuu Baarlamaanka hor yimaado Guddoomiyaha G/Banaadir

Qaar kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya oo maanta ka hadlayay fadhigii Baarlamaanka ee ka mida kalfadhiga lixaad ee Golaha Baarlamaanka ayaa dalbaday inuu si degdeg Golaha Shacabka u horyimaado Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo hadda socdaal shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

MUNGAB

Xildhibaanadan ayaa ku dooday in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay soo dacweeyeen dad Shacab ah oo dhulkoodii si sharci daro ah looga kiciyay, dadkaas oo fara badan ay dacwooyin keenaan Baarlamaanka iyagoo sugaya in cadaalad arrintooda lagu dhammeeyo.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab inuu hore uga biyo diidan inuu hor yimaado baarlamaanka markii hore loogu yeeray, waxay kaloo xildhibaanada soo jeediyeen dhibaatooyin ka jira Wadooyinka Muqdisho oo dadka rayidka ah laga xirto, dhibaatooyin shacabka ka heysta Dekadaha iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa laga sugayaa inuu qoraal u diro guddoomiyaha Gobolka Banaadir si looga dalbado inuu hor yimaado Baarlamaanka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON