Dowladda Soomaaliya ayaa qaab xeer jajab ah iyo nabadeyn ku xalisay dagaalkii degaanka Haanta Dheer ku dhex maray ciidamada NISA iyo kuwa milateriga ee halkaasi deganaa.
Dagaalkaas oo dhimasho iyo dhaawac dhaliya ayaa waxaa loo diray xubno saraakiil iyo xildhibannao ah oo lacago u qeybiyay dad la sheegay inay waxyeelo kasoo gaartay dagaalkaasi.
Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa la arkayay iyagoo lacago doolar ah siinaya dad ka mida kuwii deganaa Haanta Dheer, waxaana kooxda howshan waday ka dhex muuqday: Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, Jen. Yusuuf Indha-cadde, Jeneraal. Laba Afle iyo xubno kale.
Wararka ayaa sheegaya in Lacagaha la qeybiyay ay hordhac u yihiin Magdhow iyo Diyo la siinayo dadkii ku dhintay weerarkii Aroortii Sabtiga.
Lama oga qaabka xildhibaannada iyo saraakiisha wada socda u galeen arrinta, waxaana muuqata in isku dhac ciidan loo bedelay qaab beeleed iyo xeer jajab, iyadoo aanay dowladda Soomaaliya wax war ah kasoo saari sidii ay wax u dhaceen iyo ciddii lahayd mas’uuliyadda lahayd.