Monday, June 23, 2025

Xildhibaanno ka baxay Xafladii Furitaanka kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka [Akhri]

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa isaga baxay xafladii furitaanka kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibaanaday oo gaarayay tobanneeyo ayaa ka carooday Riwaayad lagu soo bandhigay xafladda oo si weyn wax uga sheegtay xildhibaanada iyo Mooshinada ay ka keenaan dowladda.

Riwaayadda ayaa waxaa ku dhex jiray arrimo si toos ah loogu weeraray xildhibaanada oo lagu sheegay haddii ay ku mashquulaan Mooshin in shacabka la dagaalami doono, taasoo keentay inay xildhibaanaadan ka baxaan kulanka baarlamaanka iyo xafladda furitaanka kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka oo ka socotay Dugsiga sare ee Booliska Gen. Kaahiye.

Ad

Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la sheegay inay diyaarinayaan Mooshino kala duwan oo laga keenayo xukuumadda iyo xaalado kale, iyadoo kal-fadhigan la filayo inuu xiisad dhaliyo.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON