Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaanno ka gadoodsan Go’aankii xukuumadda shirar degdeg u socdaan & Mooshin la…

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan degdeg ku leh magaalada Muqdisho kadib go’aankii xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay dhoofintii Sarkaalkii ONLF C/kariin Muuse Qalbidhagax.

Kulamada oo bilowday saacad kadib go’aankii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlayaa tallaabada ay qaadi doonaan, iyadoo si weyn uga horjeeda qaabka ay xukuumadda Soomaaliya kiiskan uga tacaashay.

Xildhibaannada kulamadan ka dhex muuqda ayaa sheegay ininay ka soo horjeedaan Go’aanka ay Golaha Wasiiradda ku shaaciyeen inay Dowladda Ethiopia ugu gudbiyeen Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha Sarsare ee  Jabhadda ONLF.

Tirada xildhinaanada shirkii koowaad isugu yimid ayaa lagu sheegay ilaa 60-Xildhibaan, waxayna ka doodayaan sidii mooshin ka dhan ah xukuumadda ay u diyaarin lahaayeen iyadoo guddi loo saaray arrintaasi.

 

Xaalada ayaa kacsan gudaha xildhibaanada baarlamaanka federaalka iyadoo laba qeybood ay u kala jabeen xildhnibaanada labada aqal oo qolo ay taageersan tahay iyo qolo diidan go’aanka dowladda ee Qalbi dhagax.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON