Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa bilaabay qorista mooshinkii labaad ee ku saabsan dekadda Berbera oo ay la wareegtay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta.
Iyagoo saxaafadda la hadlay ayay sheegeen inay diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah hashiiskii Dekada Berbara ee dhowaan ka dhacay Imaaraadka oo ay wada galeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo Dowlada Itoobiya, kaasoo dhigaya saami qeybsi Dekada Berbara.
Dowlada Soomaaliya ayaa hashiiska ku tilmaantay sharci darro, wuxuuna magaalada Abu dhabi ka dhcay iyadoo uu ku sugan yahay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku joogay dalkaasi.
Mooshin hore looga keenay dekadda Berbera ayaa loo hakiyay sababo aan la ogeyn, markii guddoonka sare ee dib u dhac badan ku sameeyay, isla markaana markii dambe jawaab looga dalbaday madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
DHAGEYSO