Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda maamulka K/Galbeed oo ku sugan magaalada Baydhaba ayaa baaq iyo qeylo dhaan kasoo saaray ciidamo maanta la geeyay magaalada Baydbaba.
Xildhibanno uu ka mid yahay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo xildhibanno kale ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay magaalada Baydhaba, waxayna sheegeen in ciidamada la keenay magaalada Baydhaba Saaka ay halis ku yihiin amniga, iyadoo dalbaday in dib loo celiyo.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ujeedka ciidamadaasi ay yihiin in lagu afduubo doorashada maamulka K/Galbeed, isla markaana wuxuu baaq u diray beesha caalamka iyo ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Baydhaba.
HOOS KA DAAWO