Wafdi ka kooban xildhibaannada labada Aqal ee barlamaanka Federaalka ee laga soo doortay degaanada Gamudug ayaa tegay magaalada Cadaado maanta.
Xildhibaannadan oo gaaray toban ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka, waxaana ujeedkoodu yahay sidii waanwaan loogu xalin lahaa khilaafka ka dhex taagan madaxda sare ee maamulka Galmudug.
Xubnaha wafdiga waxaa ka mida: Xildhibaan Cabdiwali Maxamed Qanyare, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan Saabir Shuuriye, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Xildhibaan Xasan Macalin, Senator Jawaahir Cilmi, Xildhibaan Sahra Cumar Maalin, iyo xubno kale.
Waxaa xildhibaanada aan ku jirin oo baaqsaday xubno loo aaneynayo inay ku dhow yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo qeyb ka ahaa ololaha lagu doonayay in xilka looga qaado Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Xildhibaannadan ayaa xilligan wadahadal kula jira madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ay kala hadlayaan xaaladda Galmudug iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex oogan madaxda sare ee maamulka.