Wednesday, July 16, 2025

Xildhibaanno lagu eedeeyay inay xiriir la yeesheen shisheeye ka baxsan Puntland oo xasaanadii laga xayuubiyey

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa saaka xasaanadda laga qaaday, kadib markii ay dalbadeen in wax laga qabto qaabka uu Baarlamaanka.u maamulo Guddoonka Baarlamaanka.

Kulanka oo uu soo abaabulay guddoomiyaha waxaa dacwad anshax ah lagu soo oogay 8 Xildhibaan, waxaana dembiga ay galeen baarlamaanka ka hor akhriyey Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo kusoo eedeeyay inay ku kaceen falal lid ku ah anshaxa iyo xeerarka gollaha, sida  iska hor keenka gollaha dhexdiisa iyo maleegitaanka siyaasado gurracan oo ay ka dambeeyeen gacmo shisheeye oo ka baxsan Puntland .

Cod loo qaaday xasaanad ka qaadista xildhibaannadaasi ayuu guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay in 35 Mudane ay gacanta u taageen in xilka laga xayuubiyo oo kalsoonida lagala noqdo, waxaa diiday 3 xildhibaan, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in 8-da xildhibaan ee xasaanadda laga qaaday ay wixii maanta ka danbeeya yihiin dad shacab ah. Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha Puntland ayaa sheegay in Hay’adaha amniga ay amar kusoo rogeen, iyadoo xildhibaannadaasi dacwad lagu soo oogi doono, kana bixi karin gudaha Puntland.

Magacyada xildhibannada xasaanadda laga qaaday waxay kala yihiin:

Xildhibaan Cabdijamal Cismaan Maxamed

 Xildhibaan Cabdiqani Abshir Jamac Surato

Xildhibaan Muuse Siciid Xasan Jajabsay

Xildhibaan C/casiis Siciid Maxamuud Baduugaaye

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

Xildhibaan Saleeban Faarax Ciise.

Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Maxamud Dhoore

Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON