Friday, June 27, 2025

Xildhibaanno ugu baaqay Wasaaradda Amniga inay furto Wadooyinka xiran ee Muqdisho

Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay furo wadooyinka xiran ee Muqdisho si ciriiriga looga yareeyo wadooyinka waaweyn.

Kulan baroordiiq ah oo uu qabtay mid ka mida ururada haweenka Muqdisho ayaa si weyn loogu dhaliilay wadooyinka xiran ee Muqdisho, siiba kuwa xaafadaha dhex mara iyo wadooyinka waaweyn oo keenay in ciriiri badan ka dhasho wadooyinka kooban ee lagu koobay marista gaadiidka.

Xildjibaan Faadumo Xasan oo ka mida Aqalka Sare ayaa sheegtay inay ugu baaqayaan Wasaaradda Amniga inay furo wadooyinka ay xireen, waxayna sheegay in xirnaashaha wadooyinka ay keeneen qasaare iyo ciriiri.

Hay’adaha ammaanka ayaa gebi ahaan wadooyinka xaafadaha ku jaray dhagxaan waaweyn bishii June 2017, iyadoo ay arrintaas keentay in Wadooyinka Laamiyada ah ay noqdaan saxmad.

Dhinaca kale waxaa xiran wado halbowle ah oo isku xirta isgoyska KM 4 iyo trebuunka oo qeyb weyn ka qaadata ciriiriga ay ku jirto magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON