Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay dacwad ka gudbiyay Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya iyo taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida.
Dhowr xildhibaan ayaa Guddoonka Sare ee Golaha Shacabka u geeyay Dacwad ku saabsan xadgudub ay ciidamada u geysteen xildhibaannada, iyagoo ka qaada xasaanada mararka qaarkood. Xildhibaanada ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku dhibaateeyaan wadooyinka iyo xarumaha dowladda iyagoo ula dhaqma si xushmad darro ah.
Gudoomiye ku- xigeenka koowaad ee baarlamaanka, C/weli Sheekh Ibrahim Muudeey ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in ciidamada ammaanku ay ku xad-gudbaan Xildhibaanada sharafta leh ee Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray in dhibaato kasta oo loo geysto xildhibaannada wax laga weydiin doono Wasaarada Amniga iyo Taliyayaasha ciidamada.
Wasiika Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo hortegay Baarlamaanka shalay ayaa raaligelin ka bixiyay dhibaatooyinka ay ciidamada gaarsiiyeen xildhibaanada, wuxuuna balanqaaday inay ku dadaali doonaan inaan dib u soo noqon.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ka digay in waxyeelo loo geysto xildhibaanada, meelna looga dhaco xasaanadooda.