Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay caawa jirto xaalad kacsan, balse ay degan tahay, kadib dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemay caasimadda.
Xiisada ayaa timid kadib markii Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq Joon uu Caawa fiidkii ka guuray Gurigii uu dib ugu laabtay ee agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isagoo ku laabtay si toos ahna u degay Xaafadda Shiirkole ee degmada Hodon.
Rasaas kooban oo dhacday iyo ciidamo badan oo wadooyinka ay dhigtay dowladda ayaa xaaladda uga sii daray, waxaana goor dhoweyd halkaasi gaaray Xildhibaannada ayaa kala ah C/raxmaan Odawaa, Mahad Salaad iyo Cabdi Saabir oo taageeraya Jeneralka ay ciidamad dowladda ku daba joogaan.
Guurista Sadaq Joon ayaa timid markii ay ciidamada dowladda xoojiyeen baraha ku dhow gurigiisa, lagana war helay inay qorsheynayaan weerar ay ku qaadaan.
”Xildhibaanadeena Habar Gidir ayaa hada soo gaaray Shiirkole. Farmaajo, Fahad iyo Biixi dadkeena ayay duulaan ku yihiin. Dadkeena waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan cadowga iso soo bahaystay. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah” ayuu yiri Mahad Salaad oo farriin soo diray.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay xaaladda degan tahay, markii ay ciidamada dowladda ka laabteen inta badan Jidka soddonka iyo Isgoysyada muhiimka ah.
“Shacabka Soomaaliyeed ee dagan magaalada Muqdisho waxa ay caawa ka banaanbaxayaan oo ay xiligan habeenimo ah guryahooda uga soo baxeen in ay ka hortagaan Xadgudbka,Sharci darada iyo Kali taliska, Wakiiladooda Golaha shacabka ku matala anagoo ah ayaan la qeybsanaynaa dareenka ay qabaan waxaana caawa joognaa Shiirkole ee uu Farmaajo duulaanka ku soo qaaday” ayuu yiri C/raxmaan Odowaa oo ka mida xildhibaannada tegey Shiirkoole.
Dadweyne isugu soo baxay xaafada Shiirkole oo ku dhawaaqaya ereyo looga horjeedo Maxamed Farmaajo, isla markanaa taageersan Saadaq Joon ayaa dhigaya bannaanbax xilligan socda.
