Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mida xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka ay ka caroodeen sida ay ula dhaqmeen ciidamada AMISOM ee ilaaliya garoonka diyaaradaha.
Xildhibaanada ayaa la geliyay saf dheer oo muddo lagu hayay qoraxda iyadoo si xun ay ula dhaqmeen ciidamada AMISOM sida ay sheegeen xildhibaanada qaar oo ka carooday falalkaasi isla markaana dib uga laabtay hoteeladooda.
Waxay sheegeen in lagu dhex daray dad aan garaneyn oo u cabsadeen ammaankooda, Qorshihii doorashada ayaa dib u dhac weyn ku yimid iyadoo lagu waday inay bilaabato 9:00 Subaxnimo.
Waxaa la arkayay xildhibaano saf ku jira oo doonaya inay galaan garoonka oo bannaanka taagan iyadoo xaaladda ammaanka si weyn loo adkeeyay. Xildhibaanada intooda badan ayaa gaaray goobta doorashada.