Sunday, July 13, 2025

Xildhibaano ka hor yimid Golaha wasiirada Galmudug oo Mooshin ka diyaarinaya C/kariin Guuleed (DHAGEYSO)

Qaar ka mida xildhibaanda  Baarlamaanka Galmudug ayaa ka hor yimid Golaha wasiirada Galmudug ee uu soo magacaabay madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed iyagoo sheegay in wasiirada tiraha badan aanay qaadi karin maamulkaasi.

Xildhibaano-Galmudug

Magaalada Cadaado waxaa ka socda abaabul lagu doonayo in looga hor yimaado ansixinta golaha wasiirada cusub ee Galmudug sida uu sheegay xildhibaan  Cumar Maxamuud Mahad-Alle oo abaabulkaasi wada ayaa ku doodaya in golaha wasiirada la magacaabay aan loo dulqaadan karin.

Xildhibaanada diidan golaha wasiirada cusub ayaa sheegay inay tiradoodu gaareyso 30 ayna dhiseen kutlad looga hortegayo falalka uu wado Madaxweyne C/kariin, iyagoo ka hor yimid heshiiskii ay saxiixdeen Ahlu suna iyo Galmudug oo ay ku sheegeen inay tahay khiyaamo qaran in dad hore loola heshiiyay haddana heshiis cusub lala galo, waxayna sheegeen inay wadaan mooshin ka dhan ah Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed oo ay ku eedeeyeen inuu ku tuntay Dastuurka Galmudug.

DHAGEYSO CODKA XILDHIBAANKA

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON