Thursday, June 26, 2025

Xildhiban Fowsiya Yuusuf: “Jawaari ayaa dumiyay sharcigii umadda, mas’uul danbe lama xisaabin doono”

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo hore usoo qabatay xilka wasiirka arrimaha dibadda kana mida xildhibaanada waday mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa si kulul u eedeysay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay sheegtay inuu ka shaqeeyay inaan mas’uul dambe lala xisaabtamin, isla markaana dumiyay sharcigii dalka.

Fowsiya

Iyadoo laga wareystay go’aankii uu soo saaray guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ee uu ku soo afjaray jiritaanka Mooshinkii madaxweynaha laga keenay ayay sheegtay  in Jawaari aanu ahayn gudoomiye Maxkamadeed.

“Ma laali karo mooshinka, 93 xildhibaan ayaa soo gudbiyay,  isaga xaakimkii ma aha, waxaa leh taas maxkamadda sare ama hadii ay jirto maxkamadda Dastuuriga ah, isaga waa inuu gudbiyo oo kaliya” ayay tiri Xildhibaanad Fowsiyo oo mar ka mid ahayd dadka ugu dhow madaxweynaha Soomaaliya.

Waxay intaas ku dartay in aqbaleen wadahadal, taasina micnaheedu ahaa in la xalliyo qaladaadka ay sheegayaan mudanayaasha mooshinka ka keenay madaxweynaha oo qaarkoodba ay ku dooday in hadda la xaliyay. “Wadahadalka annaga ayaaba ogolaannay, madaxweynahana wuu ogolaaday isaga ayaana codsaday, marka baarlamaanku waa sharci ilaaliyaha, hadii aan wixii khalad ah aan ka hadli weyno waxaan ahaaneynaa calooshood u shaqeystayaal meesha fadhiya” ayaa ka mid ahaa hadaladeeda.

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan waxay  si rajo xumo ka muuqato u sheegtay in wixii maanta ka dambeeya aysan jiri doonin cid uu la xisaabtami karo baarlamaanka, sababtuna tahay  in gudoomiye Jawaari uu ku xadgudbay sharcigii. “Maanta ka dib madaxweyne, Ra’iisul wasaare ama cid dalka sharciga laguma qaadi karo, sharcigii umadda Soomaaliyeed waa la dumiyay, baarlamaan dambe cidi wax ma weydiinayso, Jawaari sidaas ayuu ku taliyay”  ayayna tiri.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON