Thursday, June 26, 2025

Xildhiban Mahad Salaad oo 6 Su’aalo ka keenay sababta Madaxweyne Farmaajo uu Muqdisho u keenay Sheekh Kenyaawi

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa su’aallo badan ka keenay sababta Muqdisho loo keenay Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi, isagoo si toos ah ula hadlay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu xildhibaan Mahad Salaad ku weydiyey Madaxweyne Farmaajo lix su’aalood oo ku saabsan falalkii uu sameeyay 2-dii sano ee uu xilka hayey iyo xilligan cafiska uu dalbanayo waxa uu yahy.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Duqa, Diin jacayl miyuu Sheekh Kenyaawi u keenay mise dano siyaasadeed ayaa wadaadka soo galay?!

1. Mar haddii duqiyow labadii sano ee la soo dhaafay muxaadaro loo qabto iska dhaafe maalin gelinkeed aadan arag Culimada magaalada kula jooga ee culuumta diinta akhrisa sida:

– Sheekh Axmed Iimaan, Sheekh Nuur Cali Jaamac, Sheekh Yuusuf Tuurxume Jimcaale, Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey, Sheekh Axmed Sheekh Xasan Qudhubi, Dr. Ibraahim Dasuuqi, Sheekh Cabdulahi Cusmaan Macalin (Minhaaj), Sheekh Maxamed Aw Cabdulle Cariif iyo Sheekh Maxamed Cabdisalaan (Guud).

2. Mar hadii duqiyow kuwii aad mowlacyada kasoo saarteen meel aadnan ku sheegin ee hoteelada Xamar ay ku xiranyihiin sida:

– Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Nuur Baarud Gurxan iyo Sheekh Cali Wajiis.

3. Mar hadii duqiyow labadii sano ee la soo dhaafay masaajidka gurigaaga kasoo horjeeda aadan soo gelin labo Jimce iyo labo jeer oo aad janaaso u tagtay kaliya mooyee!

4. Mar hadii duqiyow muwaadin Soomaaliyeed oo halgamaa ah Abdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) aad shisheeye u dhiibtay. Urur Soomaaliyeed oo gobonimo udirir ahna Argagixiso waaye aad tiri adigoo Tigree ku raali gelinaya!

5. Mar hadii duqiyow Shacab Soomaaliyeed oo masaakiin ah guryahooda iyo beerahoodana dhex jooga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose GAAL Maraykan ah inta ku dalbatay aad xasuuqday kadibna aad tiri Shabaab ayay ahaayeen adigoo Maraykan ku raali gelinaya!

6. Mar hadii duqiyow habeen saqda dhaxe dad guryahooda jiifa aad u dhacdeen, hadana inta xasuuqdeen kabaha ku aasteen iyadoo ehel iyo asxaabta midna aan la tusin maydkooda!

In maanta wadaad inta noo keento aad nooga sheekeyso hala iscafiyo inta caruur 15 – 20 jiro ah oo degmooyinka Gobolka Banaadir laga soo daabulay isku keento aniga waxay ila tahay ADUUN iyo AAKHIRO SEEG ee Ilaahey inta baqdid umadda cafis weydiiso. Ilaaheyna usoo noqo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON