Tuesday, June 24, 2025

Xildhiban Mahad Salaad oo ka digay Ciidamo uu Madaxweyne Farmaajo Dul dhigay Guriga Sheekh Shariif

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay ciidamo uu sheegay in muddooyinkii danbe la dul geeyay Guriga uu degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

“Ciidamada Madaxweyne Farmaajo habeenadaan dul geynayay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif waa dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan, cawaaqib xumada ka dhalatana mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Farmaajo!..” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraalkan kooban soo dhigay baraha bulshada.

Arrintan ayaa ka danbeysay warar ay suuqa geliyeen dad wax ku qora baraha bulshada oo ku saabsan in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso weerar ay ku qaado Sheekh Shariif oo wax caddeyn ah aan loo heynin iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ka jira Muqdisho, iyadoo uu arrintaas hadda kusoo biiray xildhibaankan oo ka mida mucaaradka ugu waaweyn ee hoggaanka dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON