Xildhibaan Dr. Maxamed Daahiye Ducaale oo ka mid ahaa xildhibaannadii kasoo jeeday Waqooyi Bari, Kenya ee tegay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay magaalada Muqdisho kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xildhibaanka oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in kulan muddo afar saacadood qaatay uu dhex maray 11-ka xildhibaan ee Muqdisho tegay iyo Madaxweyne Farmaajo, ayna ka wadahadleen xaaladda amniga, dagaalka Alshabaab iyo arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna caddeeyay in socdaalkooda ay ku wargeliyeen dowladda Kenya iyo Madaxa Sirdoonka Kenya.
Xildhibaan Maxamed Daahiye ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ay ka wadahadleen amniga xuduudka labada dal, isaguna uu ka sheegtay caqabadda ku saabsan in Kenya ay arrimaha xuduudaha iyo Amniga aysan kala hadleynin dowladda Federaalka, iyadoo uu khilaaf ka dhaxeeyo maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Kenya laga rabo inay caddeyso siyaasadeeda Soomaaliya haddii ay tahay inay la shaqeyso Dowladda Federaalka iyo inay tahay mid ku saabsan Jubbaland oo kaliya.
Xildhibaan Maxamed Daahiye Ducaale wuxuu beeniyay inay la kulmeen cid ka baxsan madaxweynaha Soomaaliya sida agaasimaha NISA, isagoo intaas raaciyey in warar been ah laga faafiyey socdaalkooda sida inay lacag kasoo qaateen dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in markii ay garoonka kasoo degeen ay la kulmeen askar badan, xubno ka socda madaxtooyada Kenya iyo sarkaal amni iyadoo VIB-da lagu soo dhoweeyay, kadibna baaritaan lagu sameeyay, si caadi ahna safarkoodii kusoo dhammaaday.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA-DA