Mudadkii sharciga ahayd ee jiritaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku eg iyadoo Baarlamaan uu soo jiray intii u dhaxeysay 20 August 2012 – ilaa 2014.
Inkastoo Baarlamaanka Federaalka uu hore u kororsaday xilka, kadib markii uu wax bedelay qodobkii Dastuurka KMG ah iyadoo ku bedelay in Baarlamaanku jiri doono inta laga dooranayo Baarlamaan bedela, ayaa hadda aanu qaadan karin go’aano waaweyn.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta shirkoodii ugu danbeeyay ee iyadoo sharci ah ku yeelanaya xaruntooda Muqdisho waxaana khudbad ka jeedin doona guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, taasoo uu uga hadli doono xaalada Baarlamaanka iyo waxa u qabsoomay intii uu jiray.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka tirsan xogheynta Baarlamaanka ayaa sheegay in Kulanka maanta looga hadli doono Qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin sidii loo habeyn lahaa Shaqooyinka ay qabanayaan Baarlamaanka soo socda ee badalaya midka hadda jira.
Waxaa kulanka Baarlamaanka ku sugan dhammaan guddoonka Baarlamaanka, waxaana maanta ay calaamad u tahay taariikh dib u dhac ah oo la awoodi waayay in waqtigii loogu talogalay lagu dhiso baarlamaan cusub.
Goobjooge.com