Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta shaaciyay xilliga ay dhici doonto doorashada Afhayeenka, iyadoo sheegay 9-ka November 2015 oo ku beegan Isniinta la qaban doono doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka gelinta danbe ee maalintaasina ay dhici doonto codeynta.
Murashaxiinta xilkan u taagan ayaa lagu wargeliyay inay isu diyaariyaan, waxaana xubnaha ilaa hadda inay u sharxan yihiin sheegay xildhibaanada kala ah:
- Cabdixakiin Dhooba-dareed
- Axmed Cali Xaashi
- iyo Maxamed Axmed
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
Goobjooge.com