Xilliga la dhaarinayo Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya, labadiisa Aqal ayaa la shaaciyay kadib markii ay dib u dhacday.
Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa caawa shaaciyey in Xafladda dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ay dhici doonto maalinta Talaadada ah oo ku beegan tahay 27-ka December 2016.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka dalbaday Xildhibaannada rasmig ah ee la diiwaan geliyay inay hore u soo qaataan Kaararkooda Aqoonsiga.
“Sida waafaqsan Qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 kusoo saaray natiijada Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta
Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.
Lama oga sida dhaarintu ku hirgeli doonto iyadoo aana weli xal laga gaarin muranka ka taagan Aqalka sare, siiba xubnaha Somaliland, isla markaana aan weli la soo gabagabeyn shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho.
Goobjooge.com