Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in la soo gabagabeeyay dhismaha saldhiga milateri ee magaalada Muqdisho laga dhisay.
Saldhigan ayaa lagu waday in la furo Janaayo 2017, waxaase ku yimid dib u dhac, iyadoo hadda la shaaciyay in si rasmi ah loo furi doono Bisha September.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Baker oo shalay saxaafada ku casuumay maalinta la fashiliyay afgembigii la isku dayay in lagu rido dowladda Turkiga ayaa sheegay in Bisha la keeni doono tababarrayaal milatari oo Turki ah.
Saldhiga ayuu sheegay in si rasmi ah loo furi doono Bisha September ee Sanadkan, waxaana wadaa inay xariga ka jaraan madax sare oo Turki ah. Ciidamada Soomaalida ayaa la sheegay in lagu tababarri doono saldhigga.