Thursday, June 26, 2025

Xilliga uu furmayo Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka & Arrimaha horyaalla oo la shaaciyay

Xilliga uu furmayo kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu dhawaaqay xilli la hadal hayo mooshino iyo hindise sharciyeedyo la kala wato.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa kulan ay yeesheen ku go’aamiyeen in Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka uu furmo horaanta bisha July 2017.

Xoghayaha guud ee Baarlamaanka  C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo ka hadlay qodobbada looga hadlay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in guddiga Joogtada ah ay go’aamiyeen in furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka uu furmo 08-July-2017.

Dhinaca kale Guddiga Joogtada ah waxa ay kulankooda uga hadleen howlaha horyaalla Golaha iyo sida ay u kala muhiimsan yihiin waxaana howlahaasi ka mid ah ammaanka, dib u eegista miisaaniyadda, guda gelidda dhameystirka Dastuurka, dhameystirka sharciyadii ka yimid Baarlamaankii 9aad iyo qodobo kale.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa diyaarisay hindise sharciyeeydo fara badan oo la doonayo inay ku mashquulaan xildhibaanada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON