Xiriirka dalalka Qatar iyo Imaaraadka ayaa kasoo reynya kadib muddo 4 sano ah oo halkii ugu xumeyd uu gaaray, waxaana dalka Imaaraadka tegay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka Qatar.
Wasiirka Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa la kulmay Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta ee dalkaasi ka taliya Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, kulanka ayaa ka dhacay xarunta al-Bahr ee magaalada Abu Dhabi.
Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay xiriirka labada dal, iyo sida sare loogu qaadi karo, si loogu faa’iideeyo danaha labada qaran. Booqashadan ayaa ka danbeysay kulan Magaalada Doha ku dhex maray Amiirka Qatar iyo La-taliyaha sare ee Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta.
Dalalka Imaaraadka iyo Qatar ayaa xiriirkoodu gaaray heerkii ugu xumaa, kadib go’doomintii ay dalka Qatar ku sameeyeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn, waxaana laba dal dhex maray dagaal warbaahineed iyo mid sharci oo gaaray Maxkamadaha caalamiga ah ee Dunida.
Kadib markii uu soo hagaagay xiriirkii Sacuudiga iyo Qatar, waxaa hadda si cad u soo muuqda inay dalalka Qatar iyo Imaaraadka isu soo dhowaanayaan, iyadoo khilaafkoodii dheeraa uu meesha ka baxayo.
Xayiraadda ay dowladda Qatar saareen waxaa qeyb ka ahaa in duulimaadyada Qatar laga xanibay hawada dalalkan, sidoo kalena laga xiray xuduudaha dhulka si loo go’doomiyo, looguna qasbno inay joojiso taageerada ay siiso ururka Akhwaanul Muslimiin ee dunida Carabta.
Imaaraadka iyo Qatar ayaa ku dagaalamay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana ku guuleystay dowladda Qatar, kadib markii dowladda Soomaaliya ay is barbar tagtay dalka Qatar, waxaana sidaasi ku xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo weli aan horumar sameyn, waxaana rajo laga qabaa in arrintan ay saameyn fiican ku yeelato soo cleinta xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ee Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah loo qaaday qaboojinta xiriirka kacsan.
Booqashada ayaa timdi wax ka badan bil kadib markii Abu Dhabi ay la-taliyaheeda amniga qaranka Tahnoun bin Zayed Al Nahyan u dirtay Qatar. Kahor Qatar, Sheikh Tahnoun ayaa u safray Turkey – oo ah dal si weyn u taageera Qatar.
