Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la hor keenayaan xisaab-xirka sanadkii 2017 oo ahayd tii ugu horeysay ee ay ku shaqeyso dowladda Soomaaliya, markii la doortay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadibna uu magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta Sabti ah, 2-da Novembar 2019 loogu yeeray kulan ka mida fadhiyada kalfadhiga lixaad ee , iyadoo ajendayaasha hor yaalla uu ka mid yahay cod loo qaado ansixinta xisaab-xirka miisaaniyadda dowladda ee sanadkii 2017
Ajendayaasha maanta hor yaalla Baarlamaaka, waxay kala yihiin:
1.Akhrinta 1aad H/Sharc Qareenada Soomaaliyeed
2. Akhrinta 1aad H/Sharc Nootaayadda Dadweynaha
3. U Codeynta Xisaab Xirka 2017
4. Sii wadida ka doodista Maxdarka Xildhibaanada
Xisaab-xirka 2017 ayaa ahaa mid hore uu Baarlamanku dib u celiyey markii khaladaad badan ay kasoo baxeen, waxayna ku soo beegantay iyadoo golaha wasiirada ay shaaciyeen in la ansixiyey Miisaaniyadda 2020, xili aan la xisaabxirin saddexdii sano ee miisaaniyadda dowladda