Xisbi siyaasadeed uu hoggaamiyo Sheekha u xiran dowladda Soomaaliya ee Mukhtaar Roobow Cali ayaa la diiwaan geliyey, kadib muddo uu caqabado kala kulmay Hay’adda NISA.
Xisbigan ayaa lagu magacaabaa: “Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda, waxaana guddoomiye ka ah Yuusuf Maxamed Mursal, isagoo ka mid ahaa 6 xisbi KMG ah oo Guddiga Doorashooyinka Qaran shalay guddoonsiiyey Shahaadooyin.
Guddoomiyaha ayaa hore loo xiray, iyadoo diiwaangelinta xisbigani ay faragelin ku sameysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, waxaana muddo dheer kadib hadda loo fasaxay in la diiwaangeliyo xisbi uu hoggaamiyo nin u xiran Dowladda Soomaaliya oo aan weli maxkamad lasoo taagin.
Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa ciidamada Itoobiya ayaa magaalada Baydhaba kasoo xirtay Sheekh Mukhtaar Roobow 13-ka bishii Disember 2018, xilligaas oo looga cabsaday inuu ku guuleysto doorashadii madaxweynaha maamulka K/Galbeed.


