Monday, June 23, 2025

Xisbi uu hoggaamiyo Siyaasiga Xasan Muungaab oo la guddoonsiiyey Shahaadada Diiwaangelinta [Sawirro]

Waxaa maanta Shahaaddda diiwaangelinta la guddoonsiiyey Xisbiga cusub Cadaaladda iyo Horumarka Soomaaliya oo ka mid ahaa dhowr xisbi oo maanta Guddiga Doorashada uu  guddoonsiiyey Shahaadada KMG ah ee diiwaangelinta

Xisbigan ayaa ka mid ahaa xisbiyaa maanta loo aqoonsaday inay buuxiyeen shuruudihi diiwaangelina waxaana hoggaaamiya siyaasiga Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ahaa duqii hore ee magaalada Muqdisho iyo wasiiru dowlihii Cadaaladda xukuumadii hore ee Soomaaliya.

Xisbiga JDP ee Cadaaladda iyo horumarka ayaa lasoo shir tegay siyaasiyiin kasoo kala jeeda dadka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan, waxaana xafladii la guddoonsiiyey shahaadada ka dhax muuqday xildhibaanno hore, siyaasiyiin iyo xubno kasoo kala jeeda Gobollada Soomaaliya intooda badan.

Ad

Xasan Muungaab ayaa soo noqday Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, iyadoo xilkaasi loo magacaaay 09, August, 2016”.

Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) wuxuu soo qabtay xilka Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho intii u dhexeysey bishii February 2014 ilaa October 2015.

Waxaa uu sidoo kale soo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida intii u dhexeysey August, 2010 ilaa bishii February 2014, isagoo sidoo kale isla maxkamaddaasi ka soo noqday garsoore.

- Advertisement -

Hoggaaminaya xisbiga cusub ee Cadaaladda iyo Horumarka Xasan Muungaab ayaa ku soo caan baxay xilligii uu ahaa guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, taasoo ku guuleysatay ka hortagga falal amni darro iyo burcad xoog leh oo xilligaasi ka taagnaa magaalada Muqdisho.

Waxa kaloo lagu xusuustaa xilligii uu ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir hirgelinta banaamijkii cadaaladeed ee hanti isu celinta, iyo abuurista Barnaamijkii  horumarimeed ee ‘Dalkaada dhiso’.

Image may contain: 1 person, smiling

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing

- Advertisement -

No automatic alt text available.

Image may contain: 12 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 2 people, people smiling, eyeglasses and closeup

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON