Tuesday, June 24, 2025

Xisbiga Himilo ee Sh. Shariif oo laga saaray xildhibaan Xoghaye u ahaa oo taageeray Qorshaha Dowladda Somalia ee Galmudug

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaciyey in xubinnimadii xisbigaasi laga joojiyey xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xisbiga ayaa lagu sheegay in kulan ay yeesheen Guddiga Fulinta ee Xisbiga Himilo Qaran kadib ay maanta ku dhawaaqeen inay ka joojiyeen Xubinnimadii Xisbiga Xildhibaan C/xakiim Macalin Axmed oo ahaa Xoghayahii Guud ee Xisbiga Himilo Qaran.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii Xildhibaan C/xakiin Macalin uu taageeray qorshaha dowladda Soomaaliya ee Maamul u sameynta Galmudug, markii uu dhowaan beeniyey inay ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxan AMISOM tageen magaalada Dhuusamareeb, isla markana uu si weyn u dhaliiyey xisbiyad mucaaradka ku ah dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan C/xakiim Macalin Axmed uu u oleynayo musharaxa Dowladda Soomaaliya ee madaxweynaha Galmudug, taasoo keenay in laga joojiyo xisbigii uu ka midka ahaa.

Image may contain: 3 people, people sitting

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON