Kadib shir uu maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa la shaaciyey in la doortay madaxda xisbigaasi oo ka mida kuwii ugu danbeeyay ee si kumeelgaar ah loo diiwaan geliyay.
Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga fulinta Xisbiga Hilimo Qaran ayaa laga dhigay Saleebaan Maxamuud Xaashi, halka guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Dhexe ee Xisbiga laga dhigay Sheekh Aadan Madoobe.
Hoggamiyaha xisbiga Shariif Sheekh Axmed ayaa xilalka loo doortay ugu hambalyeeyay guddoomiyaha KMG ee golaha fulinta ee xisbiga Himilo Qaran iyo guddoomiyaha KMG ee golaha dhexe, wuxuuna sheegay in xilalkan loogu doortay kadib kulankii xisbiga ee Muqdisho ka dhacay maanta.

