Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (JDP) ayaa walaac weyn ka muujiyay faragelinta Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku heeyso Doorashooyinka Maamulka Galmudug.
Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka oo uu Hogaamiyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Madaxda Dowladda ku eedeeyay inay ku tumanayaan Dastuurka KMG ah ee dalka kadib markii Ciidamo Ethiopian ah ay Dowladda geeysay Magaalada Dhuusamareeb si ay u aftduubato Doorashada.
Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ayaa si adag u cambaareyay faragelinta Dowladda Itoobiya ay ku hayso Siyaasadda Arimaha Gudaha ee Soomaaliya.
Akhriso Warsaxaafadeedka Xisbiga
Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka waxa uu walaac baahsan ka muujinayaa falalka gurracan oo ay Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaaliya ku kacayso uguna weyntahay ku tumashada Dastuurka KMG ah iyo in ay xilligaan billoowday adeegsiga ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka mid ahayn ciidamada Amisom ee hoowlgalka nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.
Xisbigu wuxuu si adag u cambaareynayaa faragelinta Dowladda Itoobiya ay ku hayso Siyaasadda Arimaha Gudaha ee Soomaaliya, iyo ciidamada ay ku soo Daabulayso gudaha dalka gaar ahaan degaanno ka mid ah Gobolka Gedo iyo Magaalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Waxaa wax lala yaabo ah in Dowladda dhexe xilligaani halkii ay ka diyaarin lahayd ciidan qaran oo tayo leh taas oo ka mid ahayd waajibaadkii loo igmaday ciidamadaas oo la wareega amniga dalka si looga kaaftoomo sanadka 2020 sii joogitaanka dalka cidamada AMISOM.
Balse taa beddel keeda waxa ay biloowday in ay adeegsato ciidamo Itoobiyaan ah oo ka Baxsan sharciyadda Dowliga ah.
Xisbiga waxa uu ka digayaa cawaaqib xumadda ka dhalan karta adeegsiga ciidanka Ethiopia gaar ahaan doorashooyinka Galmudug oo ay muuqato in dowladda dhexe ay doonayso in ay faramaroojiso.
Ugu dambayn Xisbigu waxa uu Madaxda Dowladda Federaalka Somaaliya ugu baaqayaa iney ka shaqeeyaan sidii ay uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah Dowlad-Goboleedka Galmudug lana dhowro xuquuqda siyaasadeed ee dadka ku nool degaannadaasi.