Munaasabad lagu xusayey sanadguurada 59-aad ee xoriyadda Gobollada Koonfureed iyo midowgii labada Gobol ee Koonfur iyo Waqooyi ayaa lagu qabtay xarunta Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (JDP) ee magaalada Muqdisho.
Xafladda oo si weyn loo agaasimay ayaa kasoo qeyb galay boqolaal ka mida xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga JDP, waxaana lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumeyso maamulaha xoriyadda dalka iyo taariikhdii gobanimo-doonka Soomaaliyeed, waxaana gabagabadii ka hadlay guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo hambalyo u diray umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in madax banaannida loo huray naf iyo maal.
Guddoomiyaha JDP wuxuu sheegay in Soomaaliya ay 59 sano kadib ku jirto xaalad adag oo colaad iyo xasilooni darro soo jirtay rubuc qarni, loona baahan yahay in loo kaco sidii loo samatabixin lahaa dalka, iyagoo lagu dayanayo dhalinyarradii Soomaaliyeed ee SYL iyo soo nooleynta “Ha noolaato” si dib loogu mideeyo dalka.
HOOS KA DAAWO




