Mushariixinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa ku guuleystay doorashadii Duqa magaalada Berbera, kadib markii ay doorashada ku dhacday si la farsameeyay.
Golaha cusub ee wakiilada saaka la dhaaciyey ayaa gacantaag ugu codeeyay inuu duqa magaalada Berbera mar kale noqdo duqii hore C/shakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), isagoo hely 7 cod, waxaana ku xigeenka Duqa loo doortay Nuur Cabdi Jaamac (Cadde) oo isna helay 7 cod.
Waxaa fadhiga xaadiray 11 ka mida wakiilada, waxaana ka baaqsaday musharixii Mucaaradka ee xilka mayor-ka Berbera u tartamayey oo lagu magacaabo Maxamed Dable, waxaana markii la waayey cid la tartanka Musharaxa xisbiga Kulmiye la tartamay Cabdirashiid Xaaji Yuusuf, oo ah xubbin kale oo ka mida golaha wakiilada Berbara ee dhowaan la doortay oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.
Ku-xigeenka duqa magaalada Berbera ayaa lo doortay xildhibaan ay beeshiisa raadineysay oo isla markii la doortay ay waayeen, kaasoo soo hadlay markii 5 maalmood la raadinayey, isla markaana sheegay inuu ku sugan yahay Hoygiisa (Akhriso).
Xisbiyada is-baheystay e mucaaradka Waddani iyo UCID ayaa doonayey in Mayor-ka magaalada Berbera uu helo xisbiga UCID, waxaase magaalada olole weyn ka sameeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, iyadoo natiijadii ay noqotay in magaalada Berbera uu Kulmiye xajisto, dibna loo dooro duqii hore.
Qaabka ay u dhacday Doorashada ayaa ah mid shaki dhalin karta, iyadoo ay goobta ka maqnaayeen Musharaxii Mucaaradka iyo xubin kale.
13-ka xildhibaan ee kusoo baxay Golaha Wakiilada magaalada Berbera ayaa loo kala helay: Xisbiga Kulmiye: 6, Waddani ayaa helay: 4, halka UCID uu helay: 3. Waxaana ka dhacay farsamo wakiiladii Mucaaradka ay kula wareegeen Kulmiye.
