Xisbiga Muxaafidiinta ee Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa ku guuleystay doorashadii guud ee shalay ka dhacday dalweynaha UK, iyadoo uu helay aqbaliyad u ogolaaneysa inuu keligiis soo dhiso xukuumad.
Sida ay muujinayaan natiijooyinkii ugu danbeeyay Doorashada UK oo hadda soo baxay Xisbiga Ra’iisal Wasaare Boris Johnson ee Conservative-ka ayaa ka helay Baarlamaanka dalkaasi kuraas ka badan 326 oo loogu baahnaa inuu aqbaliyadda Baarlamaanka noqdo, waxayna ilaa iminka kuraasta uu helay xisbiga gaareen 348.
Hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka Jeremy Corbyn oo qiray inay maalin madow u ahay xisbigiisa oo lumiyey kuraas ka badan 40, wuxuuna markii kursigiisa loo doortay kadib uu sheegay inusan doorasho kale hoggaamin doonin xisbiga shaqaalaha.
Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriska, Boris Johnson oo isna markale laga soo doortay degaankiisa ayaa shaaciyey guusha Xisbigiisa, taasoo u ogolaaneysa in UK ay ka saaraan Midowga Yurub.
“Halka aan joogno waxaa inoo muuqda in dalkan uu doortay dowladda Conservative-ka oo la siiyay mandate cusub oo awood badan, si loo xaqiijiyo ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub iyo in dalkan la mideeyo” ayuu Boris Johnson.
Xisbiga Shaqaalaha UK oo Soomaali badan taageeraan ayaa waxaa soo gaartay guuldarradii ugu weyneyd ee doorasho tan iyo sanadkii 1935, waxaana uu lumiyey kuraas badan isagoo ay xildhibaannadiisa ay kusoo koobmeen ilaa 200.