Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa heegaya in Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani uu mar kale ka baxay wada-shaqeyntii uu la lahaa Guddiga Doorashada, isla markaana xubnihiisa ka joogay xarunta Guddiga doorashada uu dib ugu yeertay.
Arrintan ayaa ka dhalatay kadib markii Guddiga Doorashada Somaliland diiday codsi kale oo ka yimid Wadani, kaasoo ah in dib loo tiriyo codadkii laga Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa.
Waxay doodu ka taagneyd codadkii Wadani ka helay degmooyinka 26-ka June, Gacan-libaax iyo Ibraahim Kood-buur, waxaynaa xubnihii guddiga isaga baxeen Goobta lagu tirinayo Codadkii markii uu soo gaaray amarka madaxda Xisbiga.
Xaaladda ayaan weli kala caddeyn, waxaana Guddiga doorashada iyo xisbiga Wadani u dhaxeeya xaalad kacsan inkastoo maanta lagu wado ina lagu dhawaaqo natiijada, haddana waxaa la filayaa inay dib u dhacdo si loo qanciyo xisbiga mucaaradka.
Waxaa sheegay in doorashada madaxdweynaha Somaliland ay u badan tahay inuu ku soo baxo musharaxa xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi oo heysata codadka ugu badan, inkastoo Wadani meelaha qaar uu codad fiican ka helay.