Sunday, July 13, 2025

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay Isbaheysi siyaasadeed iyo Awood Qeybsi ka dhan ah…

Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay isbaheysi siyaasadeed, kadib natiijadii kasoo baxday Doorashada Golayaasha degmooyinka iyo wakiilada iyo Somaliland.

Shir jaraa’id oo ay goor dhoweyd labada xisbi ee Waddani iyo UCID ku qabteen magaalada Hargeysa ku shaaciyeen isbaheysi ay doonayaan inay kula wareegaan Guddoonka Golaha Wakiilada iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxayna magacaabeen guddi min shan xubnood ah oo labada xisbi ka tirsan, kana shaqeyn doona arrintaasi.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa wajahaya gole wakiil oo mucaarad ah inta ka harsan xilka madaxweyne Muuse Biixi, taasoo ka dhigan inaan la marsiin doonin rabitaanka xukuumadda xilka joogta oo mucaaradku uga awood bateen Baarlamaanka.

Labada xisbi ee mucaaradka Waddani iyo UCID ayaa marka la isku daro heysta aqlabiyadda Golaha Wakiilada Somaliland oo ah 51 xildhibaan, iyadoo Goluhu ka kooban yahay 82 xildhibaan, waxayna tiro fiican ka heystaan Golayaasha degmooyinka oo u saamxeysa inay soo saaran guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Gobollada qaar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON