Qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka oo lagu saleeyay maamul goboleedyada dalka ka jira iyo min 3 xubnood oo loo kordhiyay maamulada Somaliland iyo Puntland, Waxaase faahfaahin faahfaahin dheeraad ah ka soo baxday sida ay heshay Goobjooge.com qaabka beelaha waaweyn u kala heleen xubnaha aqalka sare ka mid noqonaya.
Xubnaha Madasha qaarkood ayaa xogtan bixiyay iyadoo la qoray xubnaha beel kasta kasoo gaaraya Aqalka sare marka lagu saleeyo heshiiska ay dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka gaareen.
Haddaba xubnaha Beesha Hawiye ka heleyso Aqalka sare ee Baarlamaanka 2016 ayaa noqonaya sida soo socota
Maamulada Xubnaha
Galmudug 7
Jubbaland 1
Shabeelle/Hiiraan 8
Wadarta 16
Guud ahaa tirada Aqalka sare waa 54 xubnood, waxaana loo qeybiyay sida soo socota:
Maamulada Tirada xubnaha
Somaliland 11
Puntland 11
Galmudug 8
Shabeele/Hiiraan 8
Banaadir 0
K/Galbeed 8
Jubbaland 8
Wadarta 54
Goobjooge.com