Tuesday, June 24, 2025

XOG: Akhriso tirada xubnaha Beesha Hawiye ka heleyso Aqalka Sare ee Baarlamaanka

Qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka oo lagu saleeyay maamul goboleedyada dalka ka jira iyo min 3 xubnood oo loo kordhiyay maamulada Somaliland  iyo Puntland, Waxaase faahfaahin  faahfaahin dheeraad ah ka soo baxday sida ay heshay Goobjooge.com qaabka beelaha waaweyn u kala heleen xubnaha aqalka sare ka mid noqonaya.

Xubnaha Madasha qaarkood ayaa xogtan bixiyay iyadoo la qoray xubnaha beel kasta kasoo gaaraya Aqalka sare marka lagu saleeyo heshiiska ay dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka gaareen.

Haddaba xubnaha Beesha Hawiye ka heleyso Aqalka sare ee Baarlamaanka 2016 ayaa noqonaya sida soo socota:

XUBNAHA BEESHA HAWIYE KA HELEYSO AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA 2016

MAAMULADAXUBANAHA
Galmudug6
Hiiraan & Shabeelaha Dhexe7
Jubbaland1
Banaadir0
Wadarta Xildhibaanada14

Tani waxay ka dhigan tahay in Beesha Hawiye haddii heshiiska Madasha Qaran lagu dhiso Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay ku yeelan doonto ku dhowaad 26% xubnaha guud oo gaaraya 54 xubnood.


Guud ahaan tirada Aqalka sare waa 54 xubnood, waxaana loo qeybiyay sida soo socota:

Maamulada                                Tirada xubnaha

Somaliland                                                      11

Puntland                                                          11

Galmudug                                                        8

Shabeele/Hiiraan                                           8

Banaadir                                                          0

K/Galbeed                                                       8

Jubbaland                                                        8

Wadarta                                                    54

Ugaara Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON