Dadaallo is daba joog ah ayaa ka socda magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb si beesha Cadaado loogu qanciyo inay aqbasho heshiiska Midowga Galmudug ee dhex maray madaxda Ahlu suna iyo Galmudug.

Kulamo ka dhacay magaalada Cadaado ayaa fashilmay, kadib markii fadhigii ugu danbeeyay ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo odayaasha Beesha Cadaado dhex maray lagu kala tegay.

Odayaasha Beesha Cadaado ayaa dalbanaya in meel la saaro maqaamka magaalada Cadaado, iyadoo ku doodaya in heshiiska Galmudug uu duudsiiyey xuquuq hore loogu heshiiyay oo Galmudug lagu dhisay.

Xildhibaannada labada gole ee kasoo jeeda Beesha Cadaado ayaa wada dadaal ay ku doonayaan in beesha uga soo qeyb gasho xafladda Dhuusamareeb, taasoo u muuqata mid aad u adag, waxaana la sheegay in magaalada Cadaado uu ka socdo qorshe beeshaasi ku shaacineyso inay ka baxday Maamulka Galmudug.