Bixinta Baasaboorka Soomaaliga ayaa dib loo bilaabay maanta, kadib markii uu xayirnaa muddo ka badan laab bilood taasoo cabasho culus ay ka keeneen shacabka.
Wargelin kooban oo laga soo saaray xafiiska Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wargelinayaa in bixinta Baasaboorka ay dib uga bilaabatay dhammaan xaafiisyada dalka, qunsuliyadaha iyo safaaradaha…Waxaa kale oo aan muwaadiniinta uga mahadcelineynaa dulqaadkooda mudadii hakadka lagu jirey…”.
Lama sheegin sababta keentay in mudadda intaas la eg uu hakad galo bixinta Baasaboorka iyo qaabka loo xaliyey, laakiin warar xogogoaal ah ayaa sheegay in shirkadii hore ay dib u bilowday shaqadeedii iyadoo si KMG ah loo xaliyey khilaafkii ka dhashay waqtiga heshiiska oo dhammaaday.
Mudadii uu hakadka ku jiray qaadashada baasaboorka ayaa waxaa u xayirnaa dad badan oo dalka dibadiisa ugu bixi lahaa howlo kala duwan sida caafimaadka waxbarashada iwm, waxaana haddana la ogeyn in la geli doono xaalad kale.
Dowladda Soomaaliya ayaan marna shaacin heshiiska lagu sameeyo Baasaboorka, kharashka ku baxaya iyo sababta loo baahday in shirkado ay sameeyaan, waxaana weli socda heshiiska mugdiga badan ku jiro ee soo biloway xilligii dowladii Xasan Sheekh, iyadoo dowladda Madaxweyne Farmaajo aysan waxba ka qaban heshiisyada noocaasi ah, balse ay halkooda kasii miistay.