Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan ayaa laga soo sheegayaa in uu ka jiro buuq dhaliyay gacan ka hadal iyo khilaaf ba’an oo safaaradda dhexdeeda ah.
Buuqa ayaa ka dhashay kadib markii Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Maxamed Cabdulaahi Ugaas oo siihaye ka dhigtay nin ay isku heyb hoose yihiin oo Xoghaye labaad loo soo magacaabay xiligii dalka kala guurka ku jiray ee doorashada socotay.
Diblumaasiyiin ku sugan Magaalada Khartuum ee Suudaan ayaa Goobjooge.com u sheegay inay aad uga xumaadeen markii safiirka oo u muuqda nin xilkiisa safiirnimo wayn raba inuu awood iyo dalacsiin siiyo laba nin oo isku beel hoose yihiin.
Xogta ayaa sheegeysa in Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan lagu maamulo qaraabo-kiil cad oo aan gambad lahayn, taasoo ay caddeyn u tahay in baabuurkii safaaradda iyo shaambadii loo gacan galiyay hal qof oo safiirka isku heyb hoose yihiin iyadoo ay joogaan laba qof oo ka darajo sareeya ninkaas.

Xaaladda Safaaradda ayaa cakiran iyadoo laga cabsi qabo inuu gacan ka hadal ka dhaco xarunta safaaradda, taasoo ay sabab u tahay dhaqanka Safiirka oo shaqaalaha safaaradda ka dhigay kuwo col ah oo is heysta.
Abuukar Boston oo ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa la sheegay inuu xaq u lahaa xilka sii-hayaha iyo Qunsulka, horena loogu soo magacaabay, balse safiirku ka hor yimid.
Axmed Ibraahin Buurfuule oo isna ah xoghaya koowaad ee Safaaradda ayaa la sheegay in xaqiisa la duudsiiyay oo lagu wareejiyay wiil yar oo xilli danbe la keenay safaaradda xilkaasina loo dhiibtay.
Xaaladda ayaa gaartay in Xafiiskiisii Axmed Buurfule la jabsaday kadibna la dajiyay nin ay ilma adeer yihiin safiirka kaasoo ilaa hadda xoog ku degan haddana loosii dhiibay safaaradda. Cabasho shaqaalaha safaaradda Suudaan u diren Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaanay wax jawaab ah ka helin.
Xoghayaha labaad ee safaaradda Saxarla Cusmaan oo xilka muddo 5 sano heysay ayaan wax ixtiraam ah ku heysan safaaradda, kadib markii xilkeedii lagu wareejiyay wiil qabyaalad ku yimid shaqada, waxaa laga digayaa in iska hor imaad ka dhaco safaaradda kadibna sidaa safaaradda loo xiro.
Goobjooge.com