Sunday, June 29, 2025

XOG: Cali Maxamed Geedi oo musharaxnimadiisa ku wareejinaya Musharax kale [Tanaasul hordhac ah]

Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladii KMG ahayd, ahaana musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaga haraya tartanka doorashada, arrint lagu micneeyay tanaasul hordhac ah.

Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa wararku sheegayaan inuu maanta shaacinayo arrintan isagoo taageeray musharaxnimada C/qaadir Cosoble Cali oo ay isku jufo yihiin una loolamaya xilka madaxweynaha.

Tanaasulka xilli hore yimid ayaa ah mid la filayay iyadoo Cali Geedi ka mid ahaa musharixiinta aysan is sharaxaadooda dhabta ahayn, waxaana la filayaa in musharixiin badan ay ka haraan tartanka shuruudaha adag ee ku wareegsan oo ay ugu horeyso lacagta diiwaan gelinta dartood.

Cali Geedi ayaa lagu xusuusta inuu sidoo kale ka haray tartankii doorashada 2012 oo uu mar shaaciyay inuu u taagan yahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON