Qaar ka mida ciidamada gadoodsan ee la wareegay xarunta wasaaradda Gaashaadhiga, isla markaana xiray wadadda Warshadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lacago mushaar ahaa laga lunsaday.
Sarkaal ka tirsan ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay ka cabanayaan hadalkii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in lix bilood mushaar ah la siiyay ciidamada, balse ay soo gaartay laba bilood oo qura.
Wuxuu intaas ku daray inay ciidamada ka gadoodsan yihiin saraakiisha xukunta oo ay ku tuhmayaan in lacagtii mushaarkooda ay lunsadeen, taasoo keentay inay gadoodkan sameeyeen kadib markii ay maqleen hadalkii madaxweyne Farmaajo ka jeediyay xafladii 15-ka May.
Lama oga in mushaarka ka maqan ciidamdan uu yahay mid ku maqan saraakiisha iyo in hadalka madaxweynaha aanu sax ahayn oo kaliya uu ahaa khudbad waxqabad, laakiin ciidamadan ayaa sheegay inaysan dib u noqon doonin iyadoo aan xuquuqda ka maqan meel la saarin.
Goobjooge.com