Monday, June 23, 2025

XOG: Ciidamada Itoobiya oo wada qorshe ay isku balaarinayaan Gobolada Koonfurta Soomaaliya

Guutooyin ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya ayaa kasoo gudbay degmada Doolow ee xuduudka iyagoo soo gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyagoo howlgal weyn ka fulin doona maalmaha soo socda gobolka Gedo. Ciidamada cusub ee Itoobiyaanka ayaa ku socda magaca AMISOM, waxayna Itoobiya noqoneysaa dowladda ciidamada ugu badanka joogaan Soomaaliya oo aan la ogeyn tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Itoobiyac

Waxaa jira qorshe lagu doonayo in ciidamada Itoobiya isku fidiyaan gobolada Gedo, Bakoo, Bay iyoSh/Hoose iyadoo ay dhowaan ciidamo Itoobiyaan ah la wareegeen saldhigii Leego ee ciidamada Burudi lagu weeraray. Waxayna arrintan soo baxeysaa xilli la hadal hayo shir Itoobiya qabanqaabisay oo dhinacyada Maamulada Jubba iyo Koofur Galbeed looga dhaadhiciyay qorshaha Itoobiyaanka.

Ad

Qorshaha Itoobiya waxaa mas’uuliyiinta lagu wargeliyay kamida Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, Maxamuud Sayid Aadan, Yuusuf Kaanti iyo Maxamed Axmed Aw-libaax oo kasoo jeeda Gedo iyadoo lagu wado in degmada Baardheere lagala wareego Alshabaab.

Waxaa kaloo Adis tegay Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo arrintan lagu wargeliyay. Iyadoo Maamulka Axmed Madoobe ka codsadeen Itoobiya inay u xoreyso Gobolka J/dhexe kadib markii ciidamada Kenya ay wax tallaabo ah qaadi waayeen muddo saddex sano ka badan.

Dhinaca Koofur Galbeed ayaa iyaguna qorshahoodu yahay in Alshabaab lagala wareego Diinsoor iyo Ufurow, arrintaas oo hogaamiyaha K/Galbeed Shariif Xassan iyo Cabdifitaax Geesey oo amniga gudaha u qaabilsan Itoobiya kala hadashay.

- Advertisement -

Itoobiya ayaa doorkeeda ciidan uu sii kordhayaa gudaha Soomaliya, waxayna ciidamadeeda ku sugan yihiin Gobolada:

  1. Galgaduud
  2. Hiiraan
  3. Bay
  4. Bakool
  5. Gedo
  6. Sh/hoose

Waxaana lagu wadaa inay dhowaan tagaan gobolada J/hooseiyo J/dhexe. hadii qorshahan sidan u dhaco waxay Itoobiya ku sugnaan doonaan ciidamadeeda dhammaan maamulada Koonfurta Soomaaliya.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

- Advertisement -

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON